DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay agab caafimaad

Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa agab Caafimaad oo loogu talo galay la dagaalanka Cudurka Covid 19 lana gaarsiinayay Isbitaalka Martiini kala wareegtay hay’adda badbaadada carruurta ee Save the Children.
Maamulka Isbitaalka Martiini ayaa ka Mahadceliyay qalabkaan waxayna sheegeen inay isu diyaarinayaan saamaynta ka imana karta Mowjadda labaad ee cudurka maadaama deegaanada dalka Soomaaliya Qaarkood lagu arkay dad cudurka qaba hadana isbitaalka Martiini ay ku jiraan ilaa 7 qof oo cudurka laga dabiibayo sida uu agaasimaha Istibaalka Martiini sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here