DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay hoggaaminta wasaaradaha waxbarashada ee dalalka Carbeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay hoggaaminta Madasha Wasiirrada Waxbarashada, Hiddaha iyo Dhaqanka dalalka Carabta oo ay ugu danbaysay guddoominteeda 37 sano ka hor.
Wasiiru Dowlaha ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka & Tacliinta Saree ee dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdirixmaan Maxamuud Cabdulle oo guddoomiyey Madasha 25-aad ee Wasiirrada Waxbarashada dalalka Carabta ee ku mideysan Ururka (ALECSO) ayaa tilmaamay qiimaha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay u leedahay inay guddoomiyaan madashan mar kale, kaddiib Meeratadii Todobaad oo Soomaaliya ay guddoomisay Sanadkii 1983dii.

Dhankooda, Wasiirrada dalalka Carabta ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya Guddoominta Meertadaan 25-aad ee kulammada heer Wasiir ee (ALECSO) iyagoo u rajeeyey inay horseeddo guulaha la rajeynayo ee horumarinta, isku xirka iyo iskaashiga dhanka Waxbarashada dalalka Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here