DHAGEYSO:Dowladda soomaaliya oo shacabka ku ammaantay sida ay laamaha ammaanka ula shaqeynayaan

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa rajo weyn ka muujisay isbaddel amni oo ku yimaada dalka.
Waxay xukuumaddu shacabka soomaaliyeed ku ammaantay sida ficilka ah ee ay u billaabeen in ay ula shaqeeyaan hay’adaha amniga dalka soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka soomaaliya Maxamad Cabdi Xayir Maareeye ayaa dadweynaha kula taliyay inay sii wadaan la shaqeynta dowladda iyo hay’adaha ammaanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in bulshada oo waxyaabaha ay ka shakiyaan maamulada kala duwan ku wargeliyo iyo dowladda oo warbixinada la wadaagto shacabka ay kaalin weyn la qaadan karto sugidda ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here