DHAGEYSO:Dowladda soomaaliya oo sheegtay in la diyaariyay ciidamo la dagaalama Al-Shabaab

Horinta 2- aad Ururka 4-aad Guutada Kumaandooska Gor-gor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhawaan tababar ku soo qaatay dalka Turkiga ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho,waxaana garoonka ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka soomaaliya ,wasiirka difaaca iyo saraakiil kale.
Ciidamada n Kumaandooska ayaa in muddo ah tababar ugu maqnaa dalka Turkiga halkaasi oo ay ku soo qaateen tababar noocyo badan leh islamarkaasna ah mid casri ah waxeeyna qayb kayihiin ciidamo loo diyaarinayo xoreeynta goobaha ay ku sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidamada ay qayb weyn ka qaadan doonaan sidii dalka soomaaliya looga saari lahaa Al-Shabaab,wuxuuna dowladda Turkiga kaga mahadceliyay tababarka ay soo siiyeen.

Sido kale Wasiirka Gaashaandhiga Xukumada Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay inay farxad u tahay inuu goobjoog u ahaado Ciidamadaan tababarka soo qaatay ee dalka kusoo laabtay wuxuuna tilmaamay inuu raajeeynayo in dalkooda iyo dadkooda cadawga inay ka difaacaan.

14-kii bishan ayay ahayd markii cutub kale oo ka tirsan kumaandooska Xoogga Dalka ee Gor-gor ay dalka dib ugu soo laabteen kuwaasi oo ay soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here