DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo sheegtay Internetka la isticmaalayo inuu yahay mid KMG

Internet-ka ayaa dib ugu soo laabtay Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, kadib markii si ku-meel-gaar ah loo xalliyay cilladdii jirtay, oo sababtay inuu internetku go’o 26kii Luuliyo 2020.
Wasiirka wasaarada Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa u mahadceliyay shirkadaha Dalkom, Hormuud iyo shirkadaha kale dadaalka ay u ku bixiyeen in la soo yareeyo muddada uu internetku ka maqan yahay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, inta ka horreysana ku dadaalay inay internetka bixiyaan iyagoo adeegsanaya dayax-gacmeedka si aysan caqabad ugu iman adeegyada ku tiirsan internetka.
Wasiirka ayaa ugu baaqay shirkadaha bixiya adeegga internetka inay taxadar dheeri ah iyo heegan muujiyaan maalmaha soo socda inta cilladdan laga wada xallinayo si uusan hakad u galin adeegga ay bixiyaan.
Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xassan ayaa sidoo kale sheegay inay Been abuur yihiin wararka sheegaya in maqnaanshaha Internetka Soomaaliya oo ahaa arin siyaasadaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here