DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo soo saartay digniino la Xiira duufaano Xooggan oo ku soo wajahan

Wasaaradda Gargaarka maareynta iyo musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka digtay duufaano kusoo fool leh degaano ka tirsan Waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan degaannada Maamulka Puntland.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Gargaarka maareynta iyo musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo 19-kii Bishaan ay dabeyluhu ka bilaawdeen cirifka Waqooyi ee Badweynta Hindiya.
Waxaa sidoo kale wasaaraddu sheegtay in dabeylahaan oo aad u xoogan kuna socda Xawaaro u dhaxeeya 95-110 Kiilo Mitir ay ku wajahan yihiin jihada waqooyi Bari ee dalka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca dhulka Bari ee dhaca Xeebta u dhaxeysa Magaalooyinka Boosaaso & Xaafuun ee Gobolka Bari, lana filayo inay ku dhufato Dabayshu inta u dhaxeyso 4:00 Galabnimo ilaa 8:00 Fiidnimo ee Caawa.
Degaannada ugu daran oo ay duufaantu ku wajahan tahay ayaa Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya waxaay ku sheegtay, Xaafuun, Isku-shuban, Boosaaso & degaano kale oo kamid ah dalka Soomaaliya Gaar ahaan dhulka Xeebaha leh Bariga iyo Waqooyiga Xiga.
Warka ka soo Baxay Wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta musiibooyinka Dowladda soomaaliya ayaa waxaa sheegay inay sigaar ah ugu digeyso dhamaan Bulshooyinka kala duwan sida, Kalluumeysatada iyo dadka ku dhaqan hareeraha Xeebaha loogana baahan yahay inay ka digtoonaadaan khataraha kusoo wajahan dhulka Xeebaha ah, wasaaradu waxaay ugu baaqeeysaa maamulada degaannada laga cabsi qabo inay duufaantu saameyso iyo dhamaan Hay’adaha gargaarka inay u diyaar garoobaan xaaladaha soo cusboonadaay, taageerana u muujiyaan bulshada ku nool degaannadaas.
Cabsida ugu weyn ee ay dufaantaan sababi karto ayaa Wasaaradda Gargaarka & maareynta musiibooyinku waxaay ku sheegtay burbur hantiyadee, sida Guryaha, degaannada Xeebta dhaca, Doonyaha Kalluumeysi iyo kuwa Ganacsi, waxaayna ugu baaqday dadka degan dhulka Xeebaha inay ka taxadaraan khataraha ka dhalan kara duufaantaas.
Dhanka kale Howl wadeenada ka tirsan wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka qeyb qaatay Ololaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo goobaha Danta guud ayaa waxay sheegeen inay ka go’an tahay dhismaha dalka Soomaaliya oo dhan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here