DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo xarig Jartay safaaradeeda Nairobi

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xarigga ka jaray dhismaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi oo dib u dayac tir lagu Sameeyay.
Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in dadaal badan lagu soo bixiyay dhismaha Saafaaradda sidoo kale wuxuu Bogaadiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo dhismahaan dhaqaalaha ku baxay ka soo qayb qaadatay.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dhismaha Safaaradda loogu adeeegayo dadka Soomaaliyeed ayna jiraan Jaaliyadda Soomaaliyeed oo dalal kale ku sugan Kuwaasoo ka qayb qaatay Dhismaha Safaaradaha halka kuwo kalena ay hadda ku howlan yihiin Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalal kala duwan oo burburkii kaddib dhibaato badan soo gaadhay.

Barnaamijka dib loogu dhisayo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa Wajigiisa labaad la soo gabagabeeyay waxaana hadda la guda galayaa dhismaha Wajiga labaad oo lagu dhisayo Guriga Safiirka iyo qaybta Martida ee Safaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here