DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa dagaalka Musuqa

Shir ku saabsan hirgalinta istiraatiijiyada qaran ee la dagaalanka musuq maasuqa iyo sidoo kale dib ugu biirista heshiiska caalamiga ah ee la dagaalanka musuqa ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka furay sii hayaha wasiirka cadaaladda xukuumadda Ababuukaate Xasan Xuseen Xaaji.
Kullanka oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno ka socday dowlad goboleedyada dalka, xubno ka tirsan wasaaradda maaliyadda,xafiiska hanti dhowrka guud ee qaranka,Bankiga dhexe,xafiiska xeer ilaalinta iyo Booliska, kuwaasi oo inta badan shaqadoodu tahay arrimaha nidaamka maaliyadda Dalka iyo la dagaalanka Musuqa.
Sii hayaha wasiirka cadaaladda dalka Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in wasaaraddu ay xoogga saareyso shuruucda lagu hagayo arrimaha cadaaladda, la dagaalanka musuqa iyo sidoo kale in dib loo soo celiyo xiriiradii caalamiga ahaa ee la dagaalanka musuq maasuqa.

Golaha wasiirada xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa 4-tii bishii lixaad ee sanadkaan ansixiyay xeerka istaraatiijiyada qaran ee la dagaalanka musuq maasuqa ee 2020-2023, waxaana muddooyinkaan sii kordhayay kiisaska la xiriira maxkamadeynta dad loo heystay musuqa oo ay ka midyahiin masuuliyiin ka tirsanaa hay’addaha dowladda iyo ganacsato.

Xeerkaan ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda Cadaaladda dalka oo qorshaheedu yahay in wax laga qabto arrimaha musuqa.
Dhanka kale Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaran Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa xeer-ilaaliye u gaar ah u magacaabay Saxaafadda si baaris loogu sameeyo, gacantana loogu soo dhigo kuwii soo abaabulay, qorsheeyay iyo kuwii fuliyay dilalka iyo waxyeelaynta ka dhanka ah Suxufiyiinta, hayeeshee Magacaabista aan lagu xusin Magaca Xeer ilaaliyaha u gaarka ah Wariyeyaasha.
Qoraal kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa waxaa lagu wargeliyay Shacabka Soomaaliyeed in qof walba oo haya xog la xiriirta dilalka Wariyeyaasha inay kusoo wargeliyaan Xafiiska Xeer ilaalinta.
Sidoo kale Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa sheegay in cadaaladda la horkeeni doono kuwii kad ambeeyay dilalka iyo waxyeeleynta Suxufiyiinta si loo soo afjaro dilalka iyo dhibaatooyinka ciqaab la’aanta ah ee loo geysto Wariyeyaasha Soomaaliyeed.
Soomaaliya ayaa waxaa ay kamid tahay meelaha dhibaatooyinka kala duwan loogu geysto Wariyeyaasha, iyaga oo xarig, hanjabaad iyo dilba kala kulma Dowladda iyo Urrurada kasoo horjeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here