DHAGEYSO:Drs Xaawo Cabdi oo Xamar ku geeriyooday iyo dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyadaysay

ALLAH ha u naxariistee waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ku geeriyootay drs Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo ka mid ahayd Dhaqaatiirta ugu caansan dalka Soomaaliya sidoo kale mudo ku dhow Nus Qarni ayay ka Soo shaqaynaysay Samafalka iyo badbaadinta dadka dhibaataysan.
Drs Xaawo Cabdi ayaa waxay duleedka Magaalada Muqdisho ka Hirgalisay Xarun Caafimaad iyo xero barakacayaal waxayna ku caawin jirtay dadka dhibaataysan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadaysay Geerida Naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuumad Drs. Xaawa Cabdi oo ku geeriyootay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Drs Xaawo Cabdi ay aheyd hooyo Soomaaliyeed oo baal dahab kaga jirtay taariikhda dalka iyo dadka, laguna xasuusan doonaa adeegyadii Samafal iyo Caafimaad ee ay u fidin jirtay danyarta Soomaaliyeed xiliyo adag.
Drs. Xaawo Cabdi waxay Xarun Caafimaad oo Hooyada iyo Dhalaanka ah ka hergalisay duleedkaMagaalada, taasoo si bilaash ah loogu daryeelo hooyooyinka iyo Dhalaanka Soomaaliyeed ee aan awoodin qarashaadka Caafimaadka,Xarumaha Caafimaadka ee ay Hirgalisay waxaa Qaarkood ka shaqeeya ubadkeeda oo iyaguna ah dhaqaatiir Soomaaliyeed.
Warka wasaarada warfaafinta ayaana lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah xanuunka iyo Murugada ula qeybsaneyso Qoyskii iyo Ehelada ay ka baxday Marxuumadda Waxayna Alle SW uga baryeysaa inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo.
Alle ha u naxariisto Dr-Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo xalay ku geeriyootay magaalada Muqdisho, ayaa intii ay noolayd waxay faahfaahin ka bixisay Taariikh nololeedkeedii xili ay waraysi siinaysa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed waxayna.

Markasta oo ay bulshada la hadlayso waxay ku baaqi jirtay in la midoobo Dhalinyaraduna ka dhaqeeyaan hormarka hadlkooda waraysi ay bixisay 10 sano ka hor ayay sida u dhigtay.

Hogaamiyeyaaasha Soomaalida ee ka Tacsiyadeeyay waxaa ka mid ah Madaxda dowlada,Ra’isulwasaarihii hore Xassan Cali Khayre Marwada Madaxweynaha,Hogaamiyeyaasha Xisbiyada,wasiiro iyo Xildhibaano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here