DHAGEYSO:Dubat Cali Cameey oo dalbaday in wasaaradda beeraha la hoos geeyo xafiiska madaxweynaha

Guddoomiyaha golaha suuqgaynta xoolaha nool ee dalka sido kalena ka mid ah waxgaradka gobolka waqooyi bari Dubat Cali Cameey oo la soo xiriiray idaacadda Star FM ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ugu baaqay inuu maamulka wasaaradda beeraha iyo xannaanada xoolaha hoos geeyo xafiiskiisa.
Golahan uu hoggaamiyo ayaa ka howlgalo 14 ka mid ah 47-da ismaamul ee wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan dhibaatooyin badan oo dhanka maamulka sare ee wasaaradda ka haysta beeralayda iyo xoolo dhaqatada.
Dubat ayaa xusay in xalka keliya ee habboon uu yahay in wasaaradda beeraha aynan wasiir lahaan balse ay qayb ka noqoto xafiiska madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here