DHAGEYSO:Dubat Cali Camey oo soomaalida ugu baaqay inaysan cudurka COVID19 fududeysan

Guddoomiyaha golaha suuqgaynta xoolaha nool ee dalka sidoo kalena ka mid ah waxgaradka gobolka waqooyi bari Dubat Cali Camey ayaa bulshada soomaaliyeed ku booriyay inay soo afjaraan fudeydsiga halista caabuqa corona.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in taxaddar dheeraad ah la muujiyo maadaama ay maalmihii ugu dambeeyay sare u kaceen kiisaska maalinlaha ee laga diiwaangeliyay gudaha wadanka.
Dubat ayaa carrabka ku adkeeyay in soomaalida laga doonayo inay ka gudbaan sida uu hadalka u dhigay dhago adeeg ka dhan ah farriimaha iyo wacyigelinta khuburrada caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here