DHAGEYSO:Dugsiyada dalka oo sii xirnaanaya hal bil oo dheeraad ah

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday inay muddo hal bil ah ku kordhisay mudada ay xirnaanayaan xarumaha waxbarashada.
Go’aankan ayaa dhaqangalaya 4-ta bisha shanaad ee sannadkan oo horay ahayd taariikhda rasmiga ee loo qorsheeyay inay dugsiyada dib u furmaan.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa dhanka kale sheegay inaan weli la qaadan go’aan dib loogu dhigaya xilliga ay ardayda u fariisanayaan imtixaanaadka KCPE-da iyo KCSE-da.
Waxaa uu sido kale caddeyay inuunan jiri doonin arday imtixaanka qaran sameeyn doono iyadoo aan fursad buuxda loo siin qadashada casharrada lagu imtixaanaya ee waqtigii ka kulmay.
Magoha ayaa xusay in afartii toddobaad ee la soo dhaafay ardayda inay ku jireen fasax caadi ah .
Wasiirka tacliinta ayaa go’aanka cusub ee maanta soo baxay sidatan ugu dhawaaqay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here