DHAGEYSO:Dugsiyada oo dib loo furi doono bisha 1-aad ee sannadka dambe

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maanta sheegay in dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee wadanka dib loo furi doono bisha ugu horreysa ee sannadka 2021-ka.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in xarumahan oo albaabada la isugu dhuftay bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan fayraska corona awgii la furo bisha sagalaad balse qorshahaas ayaa hadda dib u sii dhacay.
George Magoha oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta machadka horumarinta manaahijta ee KICD magaalada Nairobi ayaa sheegay in go’aankan uu ka soo baxay wada tashiyo ay yeesheen saamileyda arrimaha tacliinta.
Wuxuu wasiirku intaa ku daray in go’aankan lagu saleeyay tallaabooyinka lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19.
Wasiirka ayaa sheegay inay meesha ka saareen qorshihii bisha sagalaad kaddib markii waalidiinta ay walaac ka muujiyeen.
In ka badan boqolkiiba 90 ee waalidiinta dalka ayay wasaaradda waxbarashada sheegtay inaynan jecleysan in ardaya dib loogu celiyo dugsiyada ilaa iyo inta ay ka yaranayaan xaaladaha cudurka COVID19 ee sii kordhaya.
Prof. George Magoha ayaa carrabka ku dhuftay in ardayda fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee u fariisan lahaa imtixaannada qaran ee KCPE-da iyo KCSE-da ay sameyn doonaan sannadka 2021-ka.
Wasiirka ayaa sido kale sheegay in dhammaan ardayda Grade 1 ilaa 4, kuwa dhigta fasallada 5-aad , 6-ad, 7-aad ee dugsiyada hoose dhexe iyo fasalka 1-aad ilaa saddexaad ee dugsiyada sare ay sannadka 2021-ka ku sii jiri doonaan fasalka ay sannadkan dhiganayeen.
Macallimiin badan ayaa sido kale loo baahan doonaa inay dugsiyada wax ka dhigaan maadaama ardayda la kala geynaya si aynan isugu dhawaan.
Wasiirka oo faahfaahinaya saddexda qodob ee ugu muhiimsan ee ka soo baxay wada-tashiyada ayaa yiri

Prof. Magoha waxaa uu sheegay in dugsiyada farsamada iyo machadyada macallimiinta lagu tababaro dib loo furi doono bisha sagalaad ee sannadkan iyadoo la raacaya talooyinka wasaaradda caafimaadka.
Maamullada Jaamacada ayaa sido kale lagu boorinaya inay xarumahan si tartiib ah dib ugu furaan balse kaddib marka ay buuxiyaan shuruudaha sida kala fogaanta hooyga ardayda,meelaha lagu cunteeyo iyo fasallada intaas ka horna ay sii adeegsadaan qaabka casharrada si online ah loogu qaadanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here