DHAGEYSO:Duqa Muqdisho iyo safiirka Midowga Yurub oo Kulmay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez.
Labadaan Mas’uul ayaa kawada hadlay xoojinta sidii loo dhaqaajin lahaa taageerida mashaariicda kala duwan ee ka socda Caasimadda, gaar ahaan dhaqaalaha, dib-udhiska iyo horumarinta nolasha dadka Barakacyaasha ah.
Midowga Yurub ayaa Soomaaliya waxaay ka taageeran dhinacyo farabadan,sida dhaqaalaah iyo inay meelo badan oo kamid ah dalka uu ka fuliyo mashaariic kala duwan oo horumarineyd.
Agaasimaha qorshaynta Maamulka gobolka Banaadir C/qaadir Muxyadiin Dalxa ayaa Warbaahinta la wadaagay waxyaabaha ugu Muhiimsan ee ay labada Masuul ka wada hadleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here