DHAGEYSO:Duqa Muqdisho oo amaro dul dhigay guddoomiyeyaasha degmooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in Roobabkii ka da’ay caasimadda Dalka ee Muqisho Xalay uu saameyn ballaaran ku yeeshay bilicda iyo muuqaalka magaalada, isagoo xusay inay biyo fariisteen qaar ka mid ah Waddooyinka waa-weyn ee magaalada arintaas oo u baahan in xal waara loo helo maadaama ay soo lalabatay.
Duqa Muqdisho oo maanta warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa u balan qaaday shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda in si deg deg ah loo bilaabayo howl lagu dardargelinayo Horumarinta Nadaafada iyo bilic soo celinta Caasimadda, isagoo kula dardaarmay dhammaan Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo shacabka ku nool Degmooyinka inay kaalin weyn ka qataan Nadaafada iyo bilicda Caasimadda.
Duqa Caasimadda Cumar Filish ayaa sheegay inay socdaan qorshooyin lagu dardargelinayo Horumarinta Caasimadda, islamarkaana Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ka shaqeynta Horumarinta caasimada, dhinacyada amniga, Nabada, Nadaafada, bilic soo celinta Caasimadda iyo wacyigilin bulshada Soomaaliyeed.
Roobab aad u xooggan ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxay ka da’ayeen magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kuwaasoo saameyn weyn ku yeeshay Guud ahaan magaalada gaar ahaan dadka danta yar ee ku nool Caasimadda.
Sidoo kale wararku waxay Sheegayaan ilaa labo qof inay roobabkii Xalay ku Geeriyoodeen.
Qaar ka mid ah shacabka danyarta ah ee ku nool Magaalada Muqdisho ee saamayntu ka soo gaartay roobabkii Xalay ayaa codsaday in la caawiyo maadaama ay dhibaato la kulmaan markasta oo roob uu ka da’o Caasimada Muqdisho.

Roobkaas ayaa burburiyay wadooyin badan oo ku yaalla Muqdisho qaarkoodna uu Biyo dhigay, waxaana sidoo kale uu saameyn ballaaran ku yeeshay Roobka qoysaska danyar ah ee ku nool qaar kamid ah degmooyinka Gobolkan Banaadir.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kormeeray degmooyinka qaar ee qoysaska degan uu saameynta ku yeeshay roobka,kadib markii guryahooda ay biyuhu ugu galeen.
Gudoomiye ku xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Eng Cumar Cali Cabdi iyo Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa waxay sheegeen inay u gurmadeen qaar kamid ah Qoysas ku nool degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada,isla markaana ay soo badbaadiyeen dad ku dhow 50 Qoys.
Waxay sidoo kale Xuseen in Maamulka Gobolka Banaadir uu Maanta bilaabi doono howlo gurmad ah oo lagu furayo wadooyinka uu roobka xiray.

Wadooyin ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa ayaa xilliyada roobka xirma,kuwaas oo markii hore helin dhismo wanaagsan,waxaana taasi ay dhibaato ku tahay Shacabka ku nool Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here