DHAGEYSO:Duqa Muqdisho oo ku dhawaaqay kulan looga hadlayo arrimaha Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed ayaa soo dhaweeyay ansixintii Xildhibaanada Golaha Shacabka ee matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare,waxaana uu u mahad celiyay Guddigii soo diyaariyay Xeerarka doorashooyinka.
Guddoomiye Cumar Filish oo la hadlayay boqolaal kamid ah Shacabka Muqdisho oo banaanbax ka dhigayay Taalada Daljirka daahsoon,kaas oo ay ku taageerayaan go’aankii Xildhibaannada ayaa ku dhawaaqay in la qaban doono kulan loogu mahad celinayo Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Waxaa uu xusay in kulankaas uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana looga hadli doono Arrimaha Gobolka Banaadir iyo tallaabada ay qaadeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here