DHAGEYSO:Duqa Muqdisho oo la kulmay bulshada degmada Xamar Weyne

Kulamada aragtida bulshada oo toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday degmooyinka gobolka Banaadir kaa soo Maamulka Caasimaddu ugu kuurgalayay Xaaladaha dhabta ah ee degmooyinka ka jira ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish waxa uu la qaatay bulshada iyo maamulka Degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho.
Kulankaan ayaa ujeedkiisu ahaa mid uu duqa Muqdisho ku dhagaysanayay aragtiyada shacabka Reer Xamar-weyne wuxuuna sidoo kale ku ogaanayay dhamaan Baahiyaha kala duwan ee ka jira degmadaasi.
Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ujeedka kulanka iyo waxyaabaha ay isku waydaarsanayaan shacabka degmada Ku nool iyo maamulka Gobolka.
Isagoo sidoo kale Faahfaahin ka bixiyay hormarada degmada laga sameeyay iyo howlaha ay ky guulaysteen oo ay ka mid yihiin dayactirka waddooyinka qaar,nadaafadda iyo Nalaynta Xaafadaha degmada Xamar-weyne.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa kula dardaarmay bulshada ku nool magaalada Muqdisho inay Doorkooda ka qaataan dib u dhiska Magaalada iyo Bixinta Canshuuraha isagoo sidoo kalena bulshada ku nool degmada Xamar-weyne ku booriyay inay Kaalin mugleh ku yeeshaan ilaalinta Bilicda Degmada iyo Xasiloonideeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here