DHAGEYSO:Duqa Muqdisho oo maanta waddooyin Cusub dhagax dhigay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa Maanta dhagax dhigay dib u dhiska wadada isku xirta isgoosyada Juba iyo Afarta Darjiin.
Guddoomiyeyaasha degmooyinka Shibis iyo Boondheero oo wadadaan ay Marto ayaa sheegay inay lagama Maarmaan tahay in waddooyinka marka la dhisaayo laga fakaro meelaha Biyo mareenada ah si aysan dhibaato kale oo horleh uga dhalan.

Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee Maamulka gobolka Banaadir Eng Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu Xoogga Saari Dooni Sidii Waddooyinka Dib u dhiska Lagu Samaynayo looga Hubin lahaa Goobaha Biyo Mareenada ah si Xiliyada Roobka ah aysan Saamayn ugu yeelan isu socodka Gaadiidka iyo Bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in Maamulka gobolKu dhamaan dhisi doono wadooyinka burbursan ee Magaalada muqdisho.
Wuxuu Tilmaamay in bulshada gobolka Banaadir looga baahan yahay inay ilaaliyaan waddooyinka dib u dhiska lagu sameeyay, isla markaana aysan macquul aheyn in waddooyinka dhismahooda qarashka badan lagu bixiyay qashin ay dadka soo qubaan
Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayuu kaga digay in wadooyinka horay loo dhisay iyo kuwa Maamulka gobolka Banaadir uu dhisi doono ay qashinka dhigaan, waxaana uu ugu baaqay inay ilaaliyaan bilicda Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here