DHAGEYSO:Duqa Muqdisho oo sheegay inaysan Ogolaanayn in xaquuqda Caasimada Rabshado lagu raadiyo

Qaar ka mid ah dagmooyinka gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerayay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa inay Magaalada Muqdisho Matalaad cad ku yeelato aqalka sare ee Soomaaliya.
Banaanbaxyadaan ayaa ka kala dhacay isgoysyada Sanca,KH4 iyo dal jirka daahsoon,qaar ka mid ah shacabka ayaana madaxweynaha uga mahadceliyay hadalkiisii shalay ee ahaa in il gaar ah lagu eego Maqaamka Caasimada.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo Maanta dad banaanbaxayaal ah Muqdisho kula hadlayay ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan Maqaanka Caasimada Muqdisho iyo hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ee ahaa in Gobolka Banaadir uu matalaad dhamaustirin ku yeesho Aqalka Sare.
Guddoomiye Filish wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo hadalka Madaxweynaha,isla markaana Madaxweynaha uu hadalkaas meel fagaaro ah ka sheegay xilli loo baahnaa,iyadoo taasi laga duulanayana Maanta loo banaanbaxayo arintaasi.
Sidoo kale Duqa muqdisho wuxuu sheegay in Shacabka Gobolka Banaadir looga baahan yahay inay xaquuqdooda ku raadsadaan si nabdoon,hayeeshee aan lagu raadin rabshado iyo buuq sida uu hadalkiisa u dhigay.
Ugu dambeyn duqa Caasimada Soomaaliya ayaa Shacabka ku nool Gobolka Banaadir wuxuu ugu baaqay inay is dejiyaan,isla markaana xildhibaannada labada Aqal ay ka sugayaan wax u wanaagsan Shacabka, iyagoo ka jawaabaya codsigii Madaxweynaha ee ahaa in Gobolka Banaadir uu matalaad ku yeesho Aqalka sare ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadkii Maanta ku banaanbaxay Muqdisho ayaa dhankooda sheegay inaysan taageersanayn Banaanbaxa kale eek a dhacay daljirka daahsoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here