DHAGEYSO:Ehelada dad lagu laayay duleedka Balcad oo dowlada eedeeyay

Balcad Soomaaliya

Meydadka ilaa 8 Ruux oo dhalinyaro ah ayaa shalay Gelinkii dambe waxaa la soo dhigay deegaanka Gololeey ee degmada Balcad Gobolka Shabeellaha Dhexe,kuwaas oo laba maalin ka hor laga afduubtay deegaankaas Sida ay xaqiijiyeen ehelada dadka la dilay.
Dhalinyaradaan la dilay ayaa ahaa Shaqaalaha Xarun MCH oo ku taalla deegaanka Gololeey,waxaana la sheegay in Maalin ka hor rag hubeysan ay deegaankaas ka afduubteen dhalinyaradaas ka shaqaynayay Xarunta caafimaad,isla markaana meydkooda laamiga deegaanka Gololeey la soo dhigay.
Meydadka 8 dhalinyarada ah ayaa waxaa loo qaaday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya si baaritaano loogu Sameeyo,waxaana ehelladooda ay faah faahin ka bixiyeen sida loo dilay iyo dadka ay ku tuhmayaan inay ka dambeeyaan dilka Wilashooda.
Qaar kamid ah Ehellada iyo waalidiinta dhalinyaradaas la laayay oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaay sheegeen in Wiilashooda si arxan darro ah loo dilay,iyaga oo falkaasi ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,wallow taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay arintaas beeniyeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay falkaas foosha xumada ah ee ka dhacay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe, oo lagu laayay 8 ruux oo shacab ah.
War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu Sheegay in Cadaaladda la horkeeni doono kuwii ka dambeeyay Xasuuqa Shacabka.
Dowladda ayaa sidoo kale amartay in kiiskaan baaritaan deg deg ah lagu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here