DHAGEYSO:Faahfaahin ku saabsan dhismaha golayaasha deegaanada Galmudug

Dhismaha golaha deegaanka ayaa ka socda qaar ka mid ah degmooyinka dowlad goboleedka Galmudug .
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug Maxamed Cabdi Waayeel ayaa ka hadlay dhismaha golayaashan oo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah bulshada .
Xillii uu u warramay idaacadda BBC laanteeda af -soomaaliga ayuu sheegay in 6 degmo ay hadda diyaar u yihiin in ay helaan gole deegaan isagoo intaa ku daray in 4 degmo ay ka haystaan Alshabaab, balse marka iyagana la xoreeyo goleyaal loo dhisi doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here