DHAGEYSO:Faahfaahin ku saabsan howlgallo laga fuliyay Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay dhacdooyin amni darro ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo howlgal qorsheysan oo sameeyeen Ciidanka Dowladda.
Howlgallada ayaa laga sameeyay Xaafadaha Ciisa Cabdi, Xoosh, Suuqa Xoolaha iyo Ceelasha biyaha, isla markaana waxaa lagu qabtay 23 qof oo laga shakiyay.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in laamaha amniga dowladda ay toogteen Nin doonayay inuu miino ku aaso wado ku taalla Waaxda Horseed ee Degmada Yaaqshiid, sidoo kalena ay baxsadeen laba ruux oo la socday Ninkaas.

Afhayeenka waxaa uu dhanka kale shacabka ku nool Caasimadda soomaaliya ee Muqdisho ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga horta go falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca wuxuuna shacabka faray inay ka fogaadan goobaha khatarta looga sheego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here