DHAGEYSO:Faahfaahin ku saabsan maleeshiyo ku dagaalamay Galgaduud

Hal qof ayaa dhintay mid kalena waa uu dhaawacmay ka dib markii xalay fiidkii is rasaaseeyn ay dhex martay laba maleeshiyo beeleed oo kuwana ay gaawaari la socdeen kuwa kalena ay lugeeynayeen.
Deegaan dhanka galbeedka ka xiga degmada Balanbal ee waqooyiga gobolka Galgaduud ayuu xalay dagaalkaani ka dhacay.
Taliye ku xigeenka saldhigga booliiska Balanbal Cabdirashiid Cumar Guuleed ayaa idaacadda Star FM u sheegay in laba baabuur oo mid uu yahay kuwa dagaalka iyo gaari nooca probox ah ay la kulmeen weerar ka dibna halkaas ay ka dhalatay dhimashada halka qof iyo dhaawaca kan kale.

Deegaanada dhaca duleedka Balanbal waxaa ku dagaalama maleeshiyo beeleed isku haya daaqa dhulka ee miyiga, ceelasha iyo baraagaha biyaha lagu keydsado.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here