DHAGEYSO:Faahfaahin ku saabsan sababtii hindisaha sharci beddelka looga diiday Garissa

Wakiilada golaha hoose ee ismaamulka Garissa ayaa shalay daaqadda ka tuuray hindise sharciyeedka uu hor kacayo madaxa xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot ee loogu magacdaray Punguza Mzigo.
Soojeedintan ayaa lagu doonaya in wax looga beddelo dastuurka wadanka u degsan.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha hoose ee Garissa ahna wakiilka laga soo doortay deegaanka hoose ee Iftiin Maxamad Gabow Qarbad ayaa idaacadda Star FM faahfaahin ka siiyay qodobadii ay u cuskadeen inaynan ansaxin hindise sharciyeedkaasi

Dr. Aukot ayaa soo jeedinaya in la dhimo tirada xildhibaanada baarlamaanka oo hadda ah 416 oo lagu soo reebo 147 oo keliya.
Sido kale waxaa uu doonaya in meesha laga saaro xilalka siyaasadeed ee magacaabidda iyo jagada ku xigeenka barasaabka ismaamulka.
Aukot ayaa ku talinaya in madaxweynaha dalka uu hoggaanka hayo muddo xileed hal mar ah oo ka kooban toddobo sano.
Waxaa uu sido kale u ololeynaya in la dhimo mushaarka madaxweynaha oo laga dhigo 500 oo kun iyo in xildhibaanada ay bil waliba qaataan 300 oo kun oo shilin.
Hoggaamiyaha Thirdway Alliance ayaa dhanka kale dadaal ku bixinaya in miisaaniyadda loo qoondeeyo ismaamulada dalka oo hadda ah boqolkiiba 15 inay noqoto boqolkiiba 35.
Waxyaabaha kale ee uu hindise sharciyeedkan xambaarsanyahay ayaa waxaa ka mid ah in la xoojiyo oo awood dheeraad ah la siiyo aqalka sare, in dacwadaha ku saabsan musuqmaasuqa lagu soo gabagabeeyo 30 maalmood sido kalena dib u eegis lagu sameeyo guddiyada madaxa bannaan ee wadanka ka jiro.
Sido kale waxaa uu sheegay in hadii soojeedintiisa la qaato muddo shan sano gudaheed ah wadanka uunan lumin doonin dhaqaale gaaraya 3.78 tiriiliyoon oo shilin.
Waxaa sharciga dalka uu dhigayaa in soojeedinta ku aaddan bedelidda dastuurka ay taageeraan 24 ka mid ah ismaamulada wadanka si uu u sii socdo.
Iyadoo toddobaadkan ay gabagabo tahay muddo 90 cisho ah oo loogu talagalay in hindise sharciyeedkan looga doodo ayaa ilaa iyo hadda waxaan laga ansaxin 21 ka mid ah dowlad deegaanada dalka.
Hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot oo xalay marti ku ahaa telefishinka Citizen ayaa sheegay in sababaha ay wakiilada dhinac isaga dhigayaan soojeedintiisa aynan ahayn kuwo macquul ah.
Waxaa uu ku doodaya in qaar ka mid ah golayaasha ismaamulada dalka aynan xita ka doodin waxyaabaha la soo jeedinayo, in la sheegay inaan dadweynaha laga qeybgelin balse sida uu hadalka u dhigay taasi ay waxba kama jiraan tahay iyo in saameyn ay kaga timid xisbiyada ay wakiilada diiday ka tirsanyihiin oo xita laaluush lagu bixiyay in kastoo uunan soo bandhigin wax caddeyn ah oo uu taasi u cuskanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here