DHAGEYSO:Faahfaahin ku saabsan weerar ka dhacay Wajeer

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Wajeer Lyford Kibaara ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in galinkii dambe ee shalay weerar lala eegtay saldhigga booliska ee degmada Dajabula ee dowlad deegaankaasi oo masaafo dhan 13 kiilomitir u jirta xadka soomaaliya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in israsaaseyn dhex martay saraakiisha ammaanka iyo dableyda weerarka soo qaadday lagu dhaawacay afar qof.
Afarta ruux ayaa isugu jiro laba booliska caadiga ah, mid ka mid ah booliska keydka iyo haweeney shacab ah.
Mr. Kibaara ayaa sido kale sheegya in halkaasi looga takhalusay laba eedeysanayaal oo la soo qabtay shalay.
Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay inay rumeysanyihiin in dableyda oo looga shakisan yahay xarakada Al-Shabaab ay weerarka gaysatay iyagoo doonaya inay soo furtaan dadka la qabtay.
Waxaa uu xusay in falkaasi uu dhacay abaare 8-dii fiidnimo ee xalay halka kooxdii ka dambeysayna ay u carareen dhanka soomaaliya.

Ammaanka Dajabula ayaa si weyn loo adkeeyay wuxuuna guddoomiyaha Wajeer shacabka ugu baaqay inay laamaha ammaanka u gudbiyaan warbixin kasta oo ay hayaan oo ku saabsan kooxda dhacdadaasi ku lug lahayd ama cid walba oo la shaqeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here