DHAGEYSO:Faahfaahino ku saabsan sida looga ciiday waqooyi bari iyo magaaladatani Nairobi

Ciid Wanaagsan

Kaddib markii xalay waqti dambe ay culumadda shaaciyeen in la arkay bisha Shawaal ayaa maanta waxaa laga ciiday meelo kala duwan ee gudaha dalka iyo dibadaba.
Waxaa ka mid ah meelaha maanta laga ciiday gobolka waqooyi bari ee dalka .
Magaalada Garissa ayaa ka mid ah goobaha maanta laga ciiday inkasta ay jiraan dad wali sooman oo ku nool magaalada Garisa oo aan afurin dadkana waxay salaada ciida ku takadeen guryahooda si looga hortago faafitaanka caabuqa CoronaVirus.
Warbixintan waxaa Garissa inooga soo diray wariyaheen Abdisamad Muxumad Cabdi.

Dhanka Xeryaha qaxotiga ee Dadaab oo ka mid ah meelaha laga tukaday salaada Ciida wallow ay jiraan dad wali 30-ka bisha Ramadaan Sooman ayaa waxaa warbixin inooga haya wariyaheen Mohamed Baaruud Hussein .

Haatana aan eegno sida looga ciiday dowlad deeganaka Mandera waxaa warbixin inooga haya wariyaheen Mandera Mohamed Ak Brem

Caasimadda dalka ee Nairobi ayaa manta dadka badankoodu ay u tahay koowda bisha Shawaal sida uu qodobkan inoogu faah faahinayo wariyaheen Farxan Ali Mukhtar.

Ismaamulka Mombasa oo ay dad badan maanta sooman yihiin ayaa hadana waxaa jirta dad qaar oo ciiday waxaana arrintan ka waraysanay wariyaheen Mombasa Mohamed Cabdi Bootaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here