DHAGEYSO:Faahfaahino ku saabsan xildhibaano loo haysto maxaad ka doonteen muqdisho

Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan dhacdo maanta su’aalo lagu weydiiyay 11 xildhibaan oo ka soo jeedo deegaanada gobolka waqooyi bari kuwaasoo la sheegay inay dib uga soo laabteen safar ay ku tageen magaala madaxda soomaaliyeed ee Muqdisho.
Shalay ayay ahayd markii shabakadda Intelligencebriefs .com ay qortay in xildhibaanada ay halkaas shir ku soo galeen.
Taliyaha qeybta booliska ee qaabilsan amniga garoomada diyaaraha ee dalka Titus Karuri, ayaa sheegay in mudanayaasha oo lagu wareystay gagida diyaaradaha ee JKIA ay isugu jiraan 6 matalo deegaanada Mandera, saddex Wajeer iyo Laba Garissa.
Siyaasiyiintan ayaa kala ah Kullow Macalim oo laga soo doortay (Banisa), Axmed Kolosh ( galbeedka Wajeer), Ibrahim Cabdi (Lafey), Rashiid Qaasim ( bariga Wajeer), Maxamad Hire (Lagdera), Cumar Macalim ( bariga Mandera ), Bashir Cabdullahi ( Waqooyiga Mandera), Adan Haji ( galbeedka Mandera), Adan Cali Sheekh (Koonfurta Mandera),Maxamad Daahiye (Dadaab) iyo Axmed Bashane oo baarlamaanka ku matalo deegaanka (Tarbaj).
Waxaa la doonayay in safarkooda iyo ujeedadiisa ay ku wargeliyaan guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi iyo sido kale wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka waxaana lagu eedeynayaa inaynan sidaas sameyn.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Mureithi Kangi in mudanayaasha ay wada hadal keliya halkaas u tageen oo ayna faahfaahin ka bixiyeen.
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay inaan xildhibaanada wax dacwad ah lagu soo oogi doonin.
Xilli ay warbaahinta la hadleen ayay sheegeen inay la soo kulmeen madaxweynaha soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo iyagoo dhaqangelinaya talo uu maalmo ka hor u jeediyay hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta taaso ahayd inay kaalin libaax ka qaataan xal u helidda amni darrada gobolka saameysay.
Xildhibaanka deegaanka Lagdera Maxamad Hire ayaa beeniyay inay jiraan xildhibaano la xiray wuxuuna sheegay inay ka shaqeynayaan danaha ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera.
Xildhibaanada oo warbaahinta u warramay ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada socdaalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here