Dhageyso:Fanaan Caan ah oo sixun loogu jirdilay Magalada Hargeysa

Ciidamo la sheegay inay ka tirsanaayeen Booliska Soomaaliland ayaa xalay waxaa ay Bartamaha Magalada Hargeysa ku jirdileen Fanaanka Qamar Suugaani oo kamid ah Fanaaniinta ugu Caansan xilligaan Gayiga Soomaaliya.
Fanaanka oo ka hadlay jirdilka loo geystay ayaa sheegay in xilli uu kasoo adeegtay goob Ganacsi oo ku taalla Xaafada Calaamada ee Magalada Hargeysa ay jirdil iyo handadaas ku sameeyeen Ciidamada Soomaaliland
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in, iyada oo aysan wadan warqad lagu amrayo in lagu soo xiraayo ay Gaari ku kaxeeysteen, isla markaana ay ku geeyeen Saldhiga Booliska Magalada Hargeysa, intaasi kadibna jirdil xoogan loo geystay, kadibna lasiidaayay.

 

Geba-gabadii waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda aysan u sheegin waxa lagu heystay,sidoo kalena Ciidamada qaar ay u sheegeen in uu yahay fanaan ay dhageystaan heesihiisa,isla markaana ay jecel yihiin taas oo layaab ku noqotay.
Fanaanka Qamar Suugaani kamid ah Fanaaniinta ugu Caansan xilligaan Gayiga Soomaaliya ayaa sanadkaan gudihiisa waxa uu yimid Magalada Muqdisho, isaga oo show ku qabtay,waxaana xusid mudan in fanaaniin dhowr ah oo ka yimid Hargeysa ee yimid Muqdisho markii ay dib ugu laabteen Hargeysa la xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here