DHAGEYSO:Fanaankii Cumar Shooli uu Muqdisho lagu aasay

Kaddib Markii xalay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya uu ku geeriyoodey Allah ha u naxariistee Madaalihii Hobolada Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi Fanaankii Weynaa Cumar Cabdulle Shooli ayaa Maanta waxaa Lagu aasay Magaalada Muqdisho.
Waxaa Maanta lagua aasay Qabuuraha Generaal Kaahiye Ex Iskuul Booliisiya ee Magaalada Muqdisho waxaana Ka qayb Galay Aaskiisa Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya xildhibaano,maamulka Gobolka Banaadir,Eheladiisa iyo dad kale.
Dhamaan dadkii aaska ka hadlay ayaa sheegay inuu Cumar Shooli ka mid ahaa dadkii udub dhexaadka u ahaa aas-aaskii fanka Soomaaliya.

Fanaanka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay uu ku xanuun sanayay oo lagu daweynayay mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho oo ugu dambeyn uu xalay ku geeriyoodey.
Sida ay eheladiisu sheegtay xanuunka Macaanka ayuu u geeriyooday oo waayadee danbe uu aad ula xanuunsanaa.
Allah ha u naxariistee Madaalihii Hobolada Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi Fanaankii Weynaa Cumar Cabdulle Shooli

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here