DHAGEYSO:Farriin loo direy Ahlusunna & Guddoonka Baarlamaanka

Xildhibaan Yaasiin Shiikh Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka galmudug ee garabka Ahlu Sunna waljamaaca ayaa ku baqay in xal laga gaaro khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka Galmudug.
Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanka guddoonka Baarlamaanka Galmudug inay soo farageliyaan khilaafka ka dhex-jira Xubnaha Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Galmudug,isla markaana uu Magacaabo Guddi Baarlamaan oo xaliya khilaafka taagan.
Sidoo kale,isaga oo sii hadlayey ayaa ugu baqay Culimada Ahlu Sunna waljamaaca in ay ka qeyb qaataan in si deg deg ah lagu xaliyo Khilaafaadka jira ee Baarlamaanka Galmudug.
Doorashada Maamulka Galmudug ee dhinaca Madaxweynaha ah ayaa waxaa xilligaan hareeyey khilaaf xoogan, iyada oo Afar kamid ah musharixiinta Galmudug ay sheegeen in aysan ka qeyb galeyn doorashada.

Baaqa xildhibaanka ayaa ku soo aadaya iyadoo dhanka kale Hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca ee ku biirey Dowlad Goboleedka Galmudug ay dowladda federaalka soomaaliya ku eedeyeen inay afduubatay howlaha doorashooyinka ee ka socda magaalada Dhuusamareeb.
Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sido kale lagu sheegay in dowladda soomaaliya ay baal martey hehsiiskii ay wada galeen.
Waxaa qoraalka qeyb ka ah in dadka reer Galmuudg laga dhigay marti oo mustaqbalkoodu uu mugdi galay oo aan wax wada tashi ah lagala yeelan dhismaha Galmudug ee haatan socota.
Ahulsunna waxay sheegtay in ay dhisi doonto maamul cusub ee Galmudug oo ka madax banaan kan ay dhisayso dowladda Federaalka.
Doorashada Maamulka Galmudug ee dhinaca Madaxweynaha ah ayaa waxaa xilligaan hareeyey khilaaf xoogan, iyada oo Afar kamid ah musharixiinta Galmudug ay sheegeen in aysan ka qeyb galeyn doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here