DHAGEYSO:Fatuma Gedi oo sheegtay in waqooyi bari ay dani ugu jirto BBI

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Fatuma Gedi Cali oo wareysi gaar ah maanta siisay telefishinka STN ayaa sheegtay in shacabka ku nool gobolka waqooyi bari oo ay dumarka ka mid yihiin inay wax weyn ka faaiidayaan dhaqangelinta warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Waxay carrabka ku dhufatay in siyaasiyiinta ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera laga doonayo in sida madaxda kale ee dalka ay muujiyaan inay ka mideysan yihiin ka shaqeynta danaha shacabkooda.

 

Waxay sido kale sheegtay in marka kullamada dalka ka socdo ee BBI lagu qabto Garissa ay lagama maarmaan tahay in fursaddaas laga faaiidaysto oo aan kala duwanaansho siyaasadeed ama arrimo kale dhinac la isugu riixin.

 

Dhanka kale waxay ka jawaabtay eedeymo dhawaan ka soo yeeray hooyooyinka caanaha ku iibiyo Wajeer taasoo ahayd in madaxda la soo doortay ee ay Fatuma Gedi ka mid tahay aynan oofin ballanqaadyadii ay u sameeyeen

 

Wakiilka haweenka ee Wajeer ayaa dhanka kale sidatan isaga difaacday in iyadaba aynan ka marneyn qabyaaladda marka ay timaado waxqabadka, u daneeynta gaarka ah ee deegaanka Koonfurta Wajeer iyo shaqaaleysiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here