DHAGEYSO:Faysal Cali Waraabe oo sheegay in colaadaha Itoobiya ee gobolka Tigreyga uu geeska Afrika oo dhan saamaynayaan

Siyaasiga Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah Xubnaha Mucaarada Soomaaliland ayaa ka hadlay Saamaynta ay Suurta galka ah in Dagaalada ka socda Gobolka Waqooyiga Dalka Itoobiya ee Tigreey ay ku yeelan Karaan guud ahaan dalalka ku yaala Geeska Afrika.
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Soomaaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay inay Cabsi weyn ka qabaan in Malaayiin qof oo Ka soo gudbay Xadka Itoobiya ay Soomaaliya iyo Soomaaliland gudaha u Soo galaan Taas oo dhibaato Hor leh ay ka dhalan karto.
Wuxuu Sidoo kale ku baaqay in la soo afjaro dagaalada ka socda gobolka Tigreey ee dalka Itoobiya maadaama ay saamayn weyn u yeelan karaan guud ahaan gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here