DHAGEYSO:Gaari dad xalay ku jiiray Magaalada Muqdisho

Gaariga jiiray dadka

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay gaari dad farabadan xalay ku jiiray isgoyska degmada Howl wadaag ee Gobolkan Banaadir.
Gaariga oo ahaa mid Xamuul ah waxa uu dar-daray Mootoyin Bajaajyo dhowr ah iyo dad shacab ah oo halkaas ku sugnaa,waxaana ku geeriyooday ugu yaraan 10 Ruux.
Intaasi kadib waxaa goobta uu shilka ka dhacay gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir oo uu kamid yahay Guddoomiyaha degmada Howlwadaag, iyaga oo gurmad u sameeyay dadkii ku waxyeeloobay shilkaas.
Guddoomiyaha Maamulka Degmada Howlwadaag Mustaf Cali Kheyre ayaa faah faahin Guud waxaa uu ka bixiyay shilkaais gaari iyo sida ay ka yeelanayaan waxyeelada ka dhalatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here