DHAGEYSO:Dowladda oo xaqiijisay in la helay baabuurkii ku dhacay badweynta Hindiya ee deegaanka Likoni

Afhayeenka dowladda dalka Cyrus Uguna ayaa fiidnimada caawa shaaciyay in la aqoonsaday baabuurkii ku dhacay badda deegaanka Likooni kaasi oo ay saarnaayeen hooyada iyo gabadheeda oo 4 sano jir ahayd.
11 malamood oo joogta ah ayaa hawlgalo culus oo lagu baadi goobaye hooyada oo lagu magacaabo Mariam Kighenda iyo gabadheeda Amanda Mutheu laga waday gudaha badweynta Hindiya ee gobolka xeebta dalka .
Ciidamada u qaabilsan biyaha ayaa ku dhexjiray gudaha biyaha iyagoona galabta soo ogaaday inay arkeen baabuur ku dhex jira guunta hoose ee biyaha balse markii dambe waxaa lagu xaqiijiyay qalabo ticnoolojiyad ah iyo caamerada qarsoon ee CCTV-da.
Waxaa la ogaaday lambarka gaarkii lagu dhex arkay biyaaha kaasi oo ahaa KCB 289C .
Afhayeenka dowladda dalka oo caawa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lambarka gaarikii la aqoonsaday uu yahay midkii ay la socdeen hooyada iyo canugeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here