DHAGEYSO:Gabadh isku dishay caado ku dhacday oo lagu ceebeyay awgeed

vector illustration of a Menstrual Blood On Sanitary Pad

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Bomet ee gobolka Rift Valley ayaa sheegaya inay murugo soo foodsaartay qoyska gabadh ardayad ahayd oo maalmo ka hor laga eryay dugsi ay wax ka dhiganaysay.
Maalinkii jimcaha ayay ahayd markii Jackline Chepngeno oo 14 sano jir ah laga ceyriyay dugsiga kaddib markii lagu eedeyay in dharkeeda uunan nadiif ahayn.
Waxay ka mid ahayd ardayda dugsiga hoose dhexe ee Kabiangek oo ku yaalla deegaanka Konoin ee ismaamulka Bomet .
Arrintan la yaabka leh ayaa ah in gabadhaasi kaddib markii ay gurigooda tagtay ay sheegtay inay aadayso ceel biyood si ay halkaasi biyo uga soo dhaamiso .
Hasa ahaate waxaa hooyadeed ka qarsooneyd inay leedahay qorsho ah inay isdisho.
Sababta keentay inay gabadhaasi oo dhiganaysay fasalka 6-aad ee dugsiga hoose dhexe ay nafteeda ka takhalusto ayaa lagu sheegay murugo soo foodsaartay kaddib markii caado ku dhacday awgeed iyo inaynan xilligaasi haysan suufka ay dumarka isku nadiifiyaan macallimadeeda ay ardayda kale hortooda ku cannaanatay kuna ceebeysay.
Hooyada gabadhan dhashay Mrs. Beatrice Koech ayaa faahfaahineysa sida ay wax u dhaceen

Taliyaha booliska ee deegaanka Konoin ,Alex Shikondi ayaa xaqiijiyay in gabadhan ay isku ceejisay maro ay xaafadda ka qaadatay waxaana hadda meydkeeda la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Kapkatet.
Waalidiinta degmadaasi ayaa iyagoo dhacdadan ka careysan tagay dugsiga halka xaruntaasi isla markiiba albaabada la isugu dhuftay.
Dhacdadan ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale dowladda ay ku dadaalayso in ardayda dhammaan ay fursad buuxda u helaan tacliinta si gaar ah gabdhaha aynan fasalada ka maqnaan xita marka ay qabaan caadada.
Arrimaha waxbarashada ayaan weli ku guda jirnaaye wasiirka wasaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa laba qof u magacaabay inay xubno ka noqdaan golaha maamulo machadka horumarinta manaahijta ee KICD.
Magacaabidda Ms Florence Ngararia iyo Mr Johnson Nzioka ayaa lagu soo bandhigay wargeyska rasmiga ee dowladda.
Sido kale waxaa uu wasiirku cusbooneysiiyay muddo xileedka Prof Winston Jumba Akala iyo Prof Orpha K. Ongiti.
Golaha maamulo machadka KICD waxaa sido kale xubno ka ah Sara Ruto ,Julius Jwan ,Belio Kipsang, Mercy Karogo, Nicholas Letting, Nancy Macharia iyo Ms Purity Mbabu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here