DHAGEYSO:Gabadh maalmahaan la raadinayay oo lagu qabtay Magaalada Guriceel

Taliska Ciidanka Booliska degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud Bartamaha Soomaaliya aya Gacanta ku dhigay Gabadh lagu Magacaabo Hibo Maxamed Xasan oo Maalmihii la soo dhaafay la raadinayay kadib markii reerkooda uu dagan degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir ay waayeen ayna sheegeen inay Aaminsan yihiin in la aftuubtay inaantooda.
Taliyaha Saldhiga Ciidanka Booliska Degmada Guriceel Dhame Cismaan Cali Hudeey oo warbaahinta la hadlay ayaa Faahfaahin ka bixiyay Baaritaanadii ay Sameeyeen ee gabadhaas ay ku soo heleen,wuxuuna sheegay inay istikhyaarkeeda uga soo tagtay Magaalada Muqdisho ooysan jirin cid soo afduubatay.

Hibo Maxamed Xasan oo ah gabadha Maalmahaan la raadinayay ayaa sheegtay inaysan cidna soo afduuban oo ay rabitaankeeda uga soo baxday Magaalada Muqdisho ayna Guriceel u soo aaday xubno qoyskeeda ka mid ah oo degan.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Degmada guriceel C/shakuur indho Ceel ayaa sheegay inaysan Degmada Guriceel marna Gabaad u noqon Karin dad baxsad ah ama kuwa lala soo baxsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here