DHAGEYSO:Gabadh sun cabtay oo xaaladeeda lagula tacaalayo isbitaalka Fayo care ee degmada Guriceel

Gabadh ka mid ah dhalinyarada ku nool degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa shalay subax la dhigay isbitaal ku yaal deegaanka ka dib markii sida la sheegay ay sun cabtay .
Falis Faarax Geedi oo ah walaasha gabadha sunta cabtay ayaa idaacadda Star FM u sheegtay in shalay sideedii subaxnimo ay arintani dhacday isla markiina ay isbitaal ula carareen gabadha.
Wariyaha idaacadda ee gobolka Galgaduud Cubeyd Xasan Maxamuud ayaa Falis kula xiriiray Khadka taleefoonka wuxuuna wax ka weydiiyay xaaladda walasheed iyo sababta ku kaliftay inay sun cabto

Dadka ama dhalinyarada sunta u cabeeysa xaalado la xiriira nolashooda ayaa ku soo badanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here