DHAGEYSO:Gabar Muqdisho lagu wayay oo Booliska Soomaaliya soo helay.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay gacanta ku hayaan oo ay soo heleen Amaal Nuur Cusmaan oo ahayd gabadh Maalmihii la soo dhaafay si weyn baraha bulshada looga hadal hayay.
Arinta gabadhaan ayaa soo baxday kadib markii hooyadeed Amran Nuur xalane ay sheegtay inay kaga shaqkisan tahay gabadheeda Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya.
Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inaysan ciidamo gaxaysan balse ay hay’ada gabadhaha daryeeshay gacanta ku haysay.

 

Hooyo Amran Xayle oo dhashay gabadha Maqnayd ayaa horey u sheegtay in Gabadheeda ay afduubteen Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya,isla markaana kiiskeeda ay wax ka qaban weyday Xarunta dambi baarista ee CID-da sida ay sheegaty.
Balse War lagu baahiyey Warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in Amaal Nuur Cusmaan ay ka baxsatey Xarun lagu dhaqan celinaayey oo ku taalla degmada Hodan ee Gobolkan Magaalada Muqdisho ayada iyo dhowr gabdhood oo kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here