DHAGEYSO:Gabdho ilmo dhalay saacado ka hor inta uusan imixaanka KCPE-da bilaaban

Waxaa maanta guud ahaan wadanka ka billowday imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexe ee KCPE-da.
Ardayda imtixaanka sannadkan u fariisanaya ee ismaamulka Garissa ee gobolka waqooyi Bari ayay tiradoodu kor u dhaafaysa 6000.
Khaliif Sheekh Isaaq waa madaxa wasaaradda waxbarashada ee dalka u qaabilsan dowlad deegaanka Garissa wuxuuna idaacadda STAR FM faahfaahin ka siiyay sida uu maanta imtixaanka KCPE-da deegaanada kala duwan uga billowday iyo rajada ay ka qabaan natiijada ka soo bixi doonto midkan iyo sido kale KCSE-da

Ismaamulka Mandera ayuu sido kale imtixaanka maanta loo fariisanayaa si habsami leh uga socdaa.
Maxamuud Maxamad Sheekh Lafagari ayaa qodobkan noo dhameysiraya.

Dhanka Wajeer haddaan eegno iyo ardayda sida ay maanta ugu bilawday imtixaanka KCPE-da
Abdiraxmaan Mucaawiye ayaa inoo eegaya

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi ayaa isna sheegay in maareynta imtixaanada ay si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan dhammaan wasaaradaha dowladda.
Dr. Matiangi oo horay u shaaciyay inuunan jiri doonin sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka oo wax fasax ah la siinaya inta ay imtixaanada socdaan ayaa dhanka kale ciidamada uga digay inay ku lug lahadaan falalka xatooyada.
Wasiirka ayaa amray in haddii sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka uu ku kaco wax sharciga dalka aan waafaqsaneyn sida ugu dhaqsiyaha badan in xabsiga loogu taxaabo.
Dhanka kale afar gabdhooda oo ka soo kala jeeda ismaamuladan ayaa imtixaanka KCPE-da ku samaynaya isbitaalada ka dib markii ay ilmo dhaleen saacado ka hor inta uusan bilaaban imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here