DHAGEYSO:Gaadiidka waddooyinka la dhigo oo Boosaaso laga mamnuucay

Maamulka Dowladda hoose ee Degmada Boosaaso Xarunta gobolka Bari ayaa waxaa laga mamnuucay Gawaarida la dhigto goobaha khaldan ee wadooyinka dhexdooda ah.
Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in Magaalada loo diyaarinayo doorashooyinka golaha shacabka waxaana ay Tilmaameen in sidoo kale ay Magaalada ka jiraan Cariiri aad u badan oo dhanka isu socodka ah.
Masuuliyiinta gobolka Bari iyo kuwa degmada Boosaaso ayaa sheegay in muddo labo toddobaad ah ay bulshada ku wacyigalinayaan amarrada lagu mamnuucaya Baabuurta la dhiganayo waddooyinka dhexdooda wixii labadaas toddobaad ka danbeeyana Ganaax lacageed lagu soo rogayo cidkasta oo gaarigeeda dhigata waddooyinka Magaalada boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here