DHAGEYSO:Galmudug oo Shabaab ku eedaysay dagaalada qabaa’ilka ee deegaanadeeda ka dhaca

Maamulka Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal beeleedyo saacaddihii lasoo dhaafay ka dhacay degaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud oo u dhaxeeyay Maleeshiyaad isku deegaanka iyo howlgalo shabaab ka dhan ah gobolada Mudug iyo Galgaduud ay ka fuliyeen Ciidamada amaanka.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Ciidanka dowlada ay guulo ka gaareen dagaal ay Al-Shabaab kula galeen maalmihii lasoo dhaafay degaano ka tirsan gobolka Galgaduud, sido kalena ay kusii jeedaan degmada Ceelbuur oo ah Fariisinta ugu weyn ee shabaabku ku leeyihiin gobolka Galgaduud.
Waxaa uu tilmaamay wasiir Falagle in Al-Shabaab ay ka dambeeyaan dagaal beeleedyadaku soo lalaabta deegaanada Maamulkas, ayna ujeedada laga leeyahay tahay sidii loo wiiqi lahaa howlgallada ka socda Gobolka ee shabaab ka dhanka ah.
Maleeshiyaadka dagaalamaya ayuu ugu baaqay inay joojiyaan Dirirta dhexdooda ah Ciidanka Maamulka Galmudug oo kaashanaya kuwa dowlada dhexena ay gaari doonaan maalmaha soo socda dhamaan deegaanada Gacanta Dowlada ka Maqan.
Waxaa uu tilmaamay wasiir Falagle in Galmudug ay la xisaabtami doonto dadka abaabulaya dagaal beeleedyadda ka socda gobolka Galgaduud oo Saamaynta ku yeeshay nolosha Bulshada iyo nabadgalyada deegaanka intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here