DHAGEYSO:Galmudug oo sheegtay in Ayax fara badan uu ku dagay deegaano hoos yimaada

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Masuuliyiin ka Tirsan ayaa sheegay in deegaano badan oo ka mid ah uu ku dagay Ayax Fara badan oo ka soo galay dhanka wadanka Itoobiya.
Galmudug waxay dhanka kale sheegtay inay diyaariyeen Koox tababaran oo la dagaalamaya Cayayaanka Ayaxa kuwaasoo adeegsanaya diyaarado buufinayana deegaanada uu hadda Ayaxu faraha badan ku hayo.
Wararka ayaa sheegaya inuu aad u sii badanayo Ayaxa fara badan oo ku sii fidaya deegaanadada Maamul goboleedka Galmudug kaasoo dhibaato gaarsiinaya dhulka Daaqsinta iyo beeraha ku yaala deegaanada Qaarkood.
Deegaanada hadda la soo sheegayo inuu Ayaxu Xaalufinta ba’an ku hayo ayaa hoos yimaaa gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Wasiirka beeraha Maamulka Galmudug Axmed Nuur Xaaji ayaa sheegay in dhul beereed iyo dhul daaqsimeed badan oo ku yaala Maamulka Galmudug uu ayaxu dhibaato fara badan Xilligaan ku haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here