DHAGEYSO:Galmudug oo shegtay inay Hubka dhigis ku samaynayso maleeshiyaadka

Wasaarada amniga Maamulka Galmudug oo todobaayadii ina dhaafay waday qorsheyaal ay maleeshiyeedka beelaha iyo hubkooda kula wareegaysa kuwaasoo loo badalayo ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegtay Maleeshiyaad iyo gaadiid hor leh
Wasiirka amniga Maamulka Galmudud Axmed Macalin Fiqi oo Hub iyo Ciidan kula wareegay deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo galgaduud ayaa u mahaceliyay cidkasta oo howshaas ka soo shaqaysay wuxuuna dhanka kale sheegay inay awoodooda isugu gaynayaan deegaanada shabaabku haystaan ana la ogolaan doonin dagaalada qabaa’ilka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here