DHAGEYSO:Galmuudg oo sheegtay in Wajiga Sadexaad ee shirka dhuusamareeb wax wanaagsan ka soo baxeen

Kadib markii Xalay war-Murtiyeed laga soo saaray Wajigii sadexaad ee shirkii Dhuusamareeb oo ay ka qayb galeen Madaxweynaha Soomaaliya,Madaxweyneyaasha Maamul goboleedyada Galmudug, hirshabeelle,Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir ayaa Sidoo kale waxaa Maanta ka socota Magaalada Dhuusamareeb xiritaankii shirka.
Masuuliyiinta Maamulka galmudug ee shirkaan agaasinkiisa lahaa ayaa sheegay in shirku guul ku soo dhamaaday waxyaabaha dhimana ay rajo wanaagsan ka qabaan inay sida u haboon ku soo gabagaboobaan.
Wasiiru dowlada Caafimaadka Maamulka Galmudug Axmed Mire Faafaale ayaa warbaahinta kula hadlay halka ay ka socoto xaflada xiritaanka ee shirka dhuusamareeb.

Agaasimaha waaxda Qorshaynta Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhankiisa sheegay inay si aad ah diirada u saarayaan arimaha la xiriira Matalaada gobolka banaadir Maadaama dhawaan la ansixiyay Xubnaha shacabka Caasimada ku matalaya aqalka sare.

Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulada Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay qodobada ka soo baxay shirka dhuusamareeb3.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here