DHAGEYSO:Galmuudg oo xaduudheeda xiraysa si looga hortago cudurka Covid 19

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dhammaan bulshadda ku nool degaanada maamulka Galmudug wuxuu ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku saabsan ka hortagga Cudurka Corona Virus.
Waxaa uu sheegay in dhammaan Bulshada degaanada Galmudug uu ugu baaqayo inay yareynyaan Kulamada ay isku imaanayaan,maadaama Cudurkaan uu dalal badan dhibaato ku haayo.
Waxaa uu ka dalbaday Shaqaallaha Caafimaadka deegaanada Galmudug inay galaan heegan buuxa, islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii loo yareyn lahaa waxyeeladda Cudurka ee deegaanada Maamulka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu dambeyntii amar ku bixiyay in la xiro Xuduudaha Galmudug ay la wadaagto maamulada kale ee dalka Soomaaliya iyo dowlad deegaanka Soomaalida si looga hortaggo Cudurka Corona Virus.
Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa shaaciyey natiijada baaris lagu sameeyey afar qof oo looga shakisanaa Cudurka Corona,kuwaas oo baaritaan lagu sameeyey iyo la karantiiley.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan kana mid ah Gudiga ka hortaga Cudurka Carona Virus ee Puntland ayaa sheegay inaysan jirin kiias cusub oo la xiriira Corona ee laga helay deegaannada Puntand.
Waxaa uu sheegay in Afar qof oo loo qadey baaritaan kana mid ahaa 5 ruux oo la karantiiley la xaqiijiyey ineysan qabin cudurka COVID 19.
Sidoo kale wasiirka waxaa uu sheegay inay la socdaan xaalada Ruux la karantiiley,sila markaana xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here