DHAGEYSO:Ganacsatada Garissa oo looga digay inay kordhiyaan qiimaha cunnooyinka

Ku xigeenka barasaabka ismaamulka Garissa Cabdi Dhaqane ayaa ganacsatada dowlad deegaankaas uga digay in iyagoo ka faaiidaysanaya dhibaatada jirta ee la xiriirta cudurka Covid-19 ay sare u qaadaan qiimaha lagu iibiyo cunnooyinka kala duwan.
Waxaa uu hoosta ka xaariiqay in Dowladda ismaamulka Garissa ay dabagal ku sameyn doonto inuu jiro culeys dheeraad oo macaamiisha la saaraya .

Sido kale waxaa uu bulshada ugu baaqay inay la isku naxaariisato oo qof kasta waxa uu awoodo uu ugu deeqo cidii aan haysan isagoo dhanka kale faahfaahin ka bixiyay kiis la xiriira coronavirus oo laga soo sheegay deegaanka Ijara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here