DHAGEYSO:Ganacsatada Guriceel oo siyaabo kala duwan uga hadlay suuq dhawaan la furay

War shalay ka soo baxay wasaaradda xannaanada xoolaha Galmudug ayaa lagu amray dadka ka shaqeeysta kala iibsiga ariga in ay ku hawl galaan suuqa cusub ee loo dhisay ariga in lagu kala gato ee laga hirgeliyey degmada Guriceel.
Warkaan oo lagu tixraacay furitaankii suuqa ee madaxweynaha Galmudug iyo adeegyada ku dhan suuqa cusub ee ariga in ay ka dhigeeyso waajib ay tahay in la fuliyo.
Goor dhaweyd ayuu wariyaha Star FM ee gobolka Galgaduud Cubeyd Xasan Maxamuud tagay suuqa hadda lagu shaqeeyo oo lagu dhisay is abaabulka qaar ka mid ah dadka ka shaqeeysta kala iibsiga ariga.
Dadka suuqa waxaa ay ku kala qaybsan yihiin in laga guuro suuqa hadda lagu shaqeeyo.
Qaar ka mid ah dadkan oo la hadlay warbaahinta Star ayaa aaminsan in ay jirto baahi weyn oo loo qabo suuqa cusub .

Waxaa jiro qaar kale oo ka mid ah dadka suuqa hadda shaqeeya ku hawl gala oo diiddan in loo guuro suuqa cusub waxaa ayna ku doodayaan in ay iyagu dhulkan mar horaba iibsadeen ayna haystaan meel ay ku shaqeeystaan.
Waxaa ay rumeeysan yihiin in aysan jirin baahi loogu guuro meel kale halka ay hadda ku shaqeeyaana ay leedahay xaafiisyo diyaarsan.

Degmada Guriceel waxaa muddo shan sano ah ka taagan dood ka dhalatay halka ay tahay in xoolaha gaar ahaan ariga lagu kala iibsado
doodaasna waxaa ay bilaabatay ka dib markii laga guuray suuqii lagu shaqeyn jiray wixii ka danbeeyey burburkii dowladda dhexe oo ahaa baliga biyaha magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here