DHAGEYSO:Ganacsatada suuqa Kongowea ee Mombasa oo cabasho ka muujiyay amar dowladeed

Dadka ku ganacsado suuqa Kongowea ee ismaamulka Mombasa ayaa walaac ka muujinaya dhaqangelinta amar dhawaan ka soo baxay Dowladda.
Arrintan ayaa timid kaddib markii Dowladda ay ku dhawaaqday in berri galab albaabada la isugu dhufanayo suuqa si looga hor tago inuu wadanka ku soo faafo cudurka COVID-19 ee ilaa iyo hadda la xaqiijiyay toddobo kiis oo la xiriira.
Ganacsatada ayaa sheegaya in tallaabada Dowladda ay saameyn dhaqaale ku yeelan doonto.
Waxay hoosta ka xarriiqdeen inay nolosha qoysas badan ku tiirsan tahay dhaqaalaha ka soo xaroodo ganacsiga halkaas ka jiro

Wararka gobolka xeebta ayaan weli ku guda jirnaaye, waxaa la kala fasaxay wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Lamu maadaama dalka uu ka jiro cudurka Coronavirus.
Mid ka mid ah siyaasiyiinta dowlad deegaankaas ayaa hasa ahaate ka soo horjeestay tallaabada lagu xiray golaha sharci dejinta ee Lamu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here