DHAGEYSO:Ganacsiga Magaalada Beledweyne oo dib u soo laabtay.

Kadib fatahaadihii wabiga ee saamaynta ku yeeshay dadka reer Beledweyne ayaa hada waxaa Magaaladaas laga dareemayaa dib u soo noqoshada dhaqdhaqaaqa Ganacsiga.
Dadkii ku Noolaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa Markii hore u barakacay Deegaanada Duleedka ka ah Magaalada sida deegaanka Ceel-Jaale waxayna dhawaan bilaabeen inay dib guryahooda ugu soo Laabtaan ayagoo dib u bilowbay noloshooda caadiga ah sida ganacsiga.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Magaalada beledweyne ayaa sheegay inuu ira hoos u dhac dhanka Raashinka ah maadaama Magaalada deeq raashin ah marar badan la gaadhsiiyay,wallow agabyada kale sida dharka iyo Maacuuntu ay yara dhadhqaqaa ganacsi leeyihiin.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa faahfaahinaya dhaqdhaqaaqyada Ganacsiga ee Magaalada Beledweyne iyo sida ay xaaladu tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here