DHAGEYSO:Ganacsiyadda Islii oo la xiray

Guddiga ganacsatada xaafadda islii ee deegaanka Kamukunji , magaalada Nairobi ayaa go’aansaday in la xiro goobaha ganacsiga ilaa amar dambe iyadoo qiimeyn la sameynayo si loo yareeyo faafitaanka cudurka Covid-19.
Hasa ahaate waxaa furnaanaya goobaha muhiimka ah sida xawaaladaha , bangiyada , isbitaallada, xarumaha Mpesa, farmashiyada iyo kaalimaha shidaalka.
Gudoomiyaha ururka ganacsatada ee xaafadda Islii deegaanka Kamkunji Nairobi Cumar Ibrahim Hussein ayaa idaacadda Star Fm faafaahin ka siiyay go’aanka lagu xiray ganacsiga Islii.
Waxaa uuna u waramaya wariyaheen Mowlid Mohamed Shuurie

Sido kale Mohamed Ismaciil Shiine oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa dhankiisa ka hadlay xiritaanka qaar ka mid ah goobaha gacasiga ee Islii .

Dhinaca kale Mudanaha laga soo doortay deegaanka Kamkunji ismamaulka Nairobi Yussuf Hassan oo bartiisa Twiitarka qoraal soo dhigay ayuu ku sheegay inuu soo dhaweynayo talaabadan lagu xiraya ganacsiga islii taasi oo uu sheegay inay kaalin weyn ka qaadan doonto la dagaalanka iyo faafitaanka caabuqa CoronaVirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here